Madiina.net
Taliban oo weeraray goob ay degganyihiin shaqaale samafal magaalada Kabul.
Ciidammada ammaanka ee caasimadda Afqanistaan ee Kabul, ayaa  isku gadaamay  dhisme ku yaall bartamaha magaaladaasi oo sida la shegay ay qabsadeen koox hubaysa.
Qaraxya dhowr ah ayaa laga maqlay goobta , waxaana xigtay rasaas muddo socotay. waxaa la sheegay in dhismaha ay qabsadeen kooxdaasi inay deggan yihiin,  marti shaqaale  iyo dad kale o shisheeye ah .
Wararka laga helayo Afganistan ayaa shegay in Afhayeen u hadlay Taliban  ayaa  sheegay in dagaalyahannadoodu ay weerarkaas fuliyeen. deegaankaas waxaa ku badan dhismeyaal ay deggan yihiin shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo xarumo dowladda Afqanistaan.
Mudo ka yar isbuuc  waxaa ku dhintay illaa ugu yaraan 15uux  kadib markii meel milletarigu marayay la isku qarxiyay, magaalada caasimadada ah ee Kabul
madiina.net
Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD oo ku shiray Addis-ababa iyo war murtiyeed laga soo saaray.
Shir ay ku yeesheen magaalada Addiid-ababa ee xarunta Ethiopia  Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka urur goboleedka IGAD ayay kaga hadleen xaaladaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose  waxayna ku booriyeen  dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay hormuud u noqoto shir dib u heshiisiin oo la isugu keenayo kooxaha isaga soo horjeeda gobolada Jubbooyinka kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ,
Wasiirada ayaa sheegay  in la dejinaayo qorshe nabadeed oo ku aaddan dhismaha maamul ku meel gaar ah iyo qaabeynta maamul goboleed rasmi ah, dowladaha IGAD ayaa  kaalin taageero ah ka cayarayaan dhismaha maamulada iyadoona ay hogaamin doonto dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo kulanka kadib warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in warmurtiyeedka horudhaca ah ee kasoo baxay wasiirada arimaha dibadda IGAD uu yahay mid ay ku faraxsan tahay dowladda Soomaaliya waxayna sheegtay in la meelmariyo dalabkii dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiradda ayaa sheegtay in dowladdu ay IGAD ka dalbatay in dhammaan dhinacyada Jubooyinka la iskugu keeno shir dib u heshiisiin oo lagu xalinayo khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanta siyaasiyiinta Jubooyinka,waxayna daboolka ka qaaday in dowladu aysan maamul u dhisi doonin goboladaas balse ay door ka ciyaari doonto isku keenka bulshada Jubooyinka, si ay uga tashadaan mustaqbalkooda.
madiina.net
Kulankii wasiirada IGAD oo Addis-ababa ka billowday.
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah uga furmay  uga furmay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Eng C/raxmaan Cismaan Cumar (Yarisow)  oo isagu ah afhayeenka madaxtooyada  ayaa ku waramay  in qodobada ay wasiirada ka doodayaan ay ka mid yihiin waxyaabihii ka hirgalay qodobadii ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya ee ka soo baxay kulanka madaxeedka IGAD  ee dhowaan ka dhacay Addis Ababa.
Yarisow, ayaa sheegay in wasiirada IGAD ay il gaar ah ku eegayaan xasilinta Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa mowqifka IGAD ee ku aadan dhismaha maamul goboleedyada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu caawa hor-dhigi doono madaxda IGAD waxyaabaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray amniga.
Ing Y ariisoow ayaa sheegay ugu dambeyntii in madaxweynuhu  ka qayb gali doono kulan madaxeedka midowga Africa ee lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka midowga Africa.
madiina.net
WHO oo ka digtay in cudurka dabayshu ku faafo geeska Afrika.
Hayada Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa ka digtay in cudurka Dabayshu ku faafo qaybo ka mida Geeska Afrika sida dalal ay ka mid yihiin Somalia iyo Kenya.
Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab dalka Kenya ayaa baaritaano lagu sameeyey caruur ka yar shan sanno jir laga helay cudurkan,halka horaantii bishan sidoo kale la sheegay inay jiraan caruur ay ku dhacday Dabayshu Somalia.
Dhamaadkii April ilaa bartamaha May,2013 ayaa la qaaday Somalia olole lagu talaalayo caruur dhan 440 kun oo da’doodu ka yartahay shan sanno jir ,waxana dhinac socday talaalo kale,iyadoo WHO shaaciay in qorshe lix sanno soconaya ay dajisay oo cudurkan lagu ciribtirayo.
Wasaaradda adeegga bulshada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay mudd lix sano ah kadib xaqiijisay in kiisaska cudurka dabeysha lagu arkay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda Drs. Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in dowladda oo kaashaneyso hay’ado caalami ah ay hirgalisay qaybtii koowaad ee mashruuc carruurta looga tallaalayo Dabeysha, waxayna sheegtay in dhowaan la hirgalin doono  barnaamij ballaaran oo ku saabsan tallaalka carruurta oo laga fulinayo guud ahaan Soomaaliya.
Horaantii sanadkan booqasho ay ku tagtay Muqdisho wakiilka WHO Somalia Mirth Evrit ayay sheegtay in caruurta Somalia u baahanyihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah si wax looga qabto xaalada caruurta oo nafaqo darro iyo cuduro ay halis ugu jiraan .
Xaalad nololeed oo liidata ayaa laga soo sheegaya qaxootiga Somalida ee kujira xeryaha dalalka deriska ah sida Kenya ,Ethiopia iyo Yemen,waxana jiray qaarkood oo dalka dib ugu soo laabtay.
Qeybtii 1aad Sheekadii Sixirka .
Qaali iyo Qalinle Waxay ahaayeen wiil iyo gabar is-calmaday oo iska xushay dadka gayaankood ah. Waxay isku barteen mid ka mid ah dalalka Soomaaliya dariska la ah, halkaasoo ay u wada joogeen inay dalal kale uga sii gudbaan hadday u suura gasho, muddo dheer oo ay sheekeysanayeen, iskuna qanceen kaddib waa is mehersadeen, laakiin ma wada aqal gelin, meherkoodaasna  wuxuu ahaa mid ayan cid kale ka war qabin.
Qaali wiil kale oo Qalaaf la yiraahdo ayaa dhiniciisa ka jecel. Iyadu uma soo jeedin markii horeba, haatanna waaba nin kale xaaskiis, laakiin haddana runta uma sheegto oo inayan dooneyn ma muujiso. Sidoo kale Qalaaf ma oga in Qaali ay Qalinle ku mehersan tahay, mana jirin waddo uu ku ogaan karayey. Qalaaf waxay dhinaca kale saaxiib yihiin Qalinle, laakiin labadooda iskuma soo qaadaan waxa kala dhexeeya Qaali, hase yeeshee Qalaaf wuu dareensan yahay in Qaali uga dhowdahay Qalinle, balse wuxuu kalsooni ku qabaa inuu soo jiidan karayo.
Qalaaf inuu xirirr la sii wado gabar nin kale u mehersan waxaa sababay arrimahan:-
1- Qalinle ma ahayn nin maseerrow ah oo kama hinaasi “maseyri” jirin in Qalaaf uu ku arko xaafadda Qaali.
2- Qaali iyo Qalinle ma dooneyn in meherkooda la ogaado, marka in Qaali madax banaan tahay waa sheeko ay jilayeen.
Labaas arrimood ayaa Qalaaf u seeta dheereeyey, walow uu dareen ku jirey, balse mar walba uu weydiiyo Qaali waxay u sheegi jirtay inay madax banaan tahay oo ay u siman yihiin isaga iyo Qalinle.
Dhowr bilood kaddib ayaa Qalinle waxa uu u wareegay dal kale oo kuwa Soomaaliya dariska la ah ka mid ah, waxaana uu u tagay leynkiisii ayaa halkaas loogu wareejyey. sidoo kale Qalaaf ayaa bil ka bacdi ka daba yimid, oo isna soo wareegay, labadoodana waa wada dageen.
Laba qof oo wada deggen wax badan uma kala qarsoonaan karaan, waxaana dhacday in Qalaaf ogaaday in Qaali iyo Qalinle ay isku mehersan yihiin. marka aan halkan mareyno laba inaan maanka ku hayno waa muhiim, waxayna kala yihiin:-
1- Qalaaf si suuq madow ah ayuu sheekada ku ogaaday ee majirin wax si rasmi ah loogu sheegay.
2- Marka uu Qalaaf ogaaday in gabadha uu jecel yahay ay Qalinle oo ay wada deggen yihiin ku mehersan tahay, halkaas kuma harin ee caro ayuu la dibiray, taasoo sheekada sii murjisay. waxaan rajeynayaa inaad ila socotid akhriste oo aadan sheekada iga dhex gali doonin.
Qeybta 1aad halkaan ayey inoo joogeysaa, waxaa inoo soo socota qeybta 2aad iyo maalinta jimda  haddii ALLAAH yiraahdo  iyadoo Qaali ay nagu soo biiri doonto haddi alle idmo, aan sugno.
W/Q:  Maxamed Nuur Shire
mnuur10@gmail.com
Kenya oo laga codsaday in ay dib u billowdo diiwaan gelinta qaxootiyada.
Hay’addaXuquuqda aadamaha ee  Amnesty international ayaa   dawladda Kenya ka codsatay in ay diiwaan galin ku sameyso qaxootiga soomaalida ah ee soo galaya dalkeeda.
agaasimaha Amnesty international laanta dalka Kenya ninka lagu magacaabo Justaas Yangaaya ayaa u sheegey  Kenya in  qaxootiga Soomaalida ee soo galaya Kenya ay dhibaato weyn ku qabaan soo gelidda dalkooda halkaasoo ay miciin soo bideen.
Agaasimaha ayaa sheegay in ay lagamamaarmaan tahay dib u hawlgalinta diiwaan galinta qaxootiyada, taasoo uu sheegay in ay xil weyn iska saarto maadaama Soomaaliya  ay wali dhibaato ka jirto.
Agaasimaha ayaa dhanka kale dhaliilay Kenya hanjabaadaha ay u soo jeediso qaxootiyada oo uu sheegay inaaney wanaagsaneyn, waxaana dhinaca kale uu ku ammmaanay Kenya  kaalintii ay ka soo qaadatay dib u dejinta Soomaalidii ka soo carartay dagaalada, waxana uu ka codsaday Kenya in ay dalkeeda u ogolaato Soomaalida ka soo carareysa qalaalasaha.
Dawladda Kenya ayaa mudooyinkii dambe adkeysay xuduudaha ay la wadaagto Somaliya taasoo ay sheegtay in ay ugu wacan tahay falal ammaandari oo ku soo batay gudaha Kenya kuwaasoo ay sheegtay inay wadaan kooxo aan doonayn nabadda Kenya.
madiina.net
Hoggaamiyaasha IGAD oo kulan kuleh Addis-abab.
Hoggaamiyaasha dadlalka  Bariga Afrika ee  la iskun yiraahdo IGAD ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia
Kulankan ayaa waxa qeyb  ka ah oo looga hadli doonaa arrimaha ka taagan gobollada la isku yiraahdo Jubbooyinka, waxaana hogaamiyaashu   falanqeyn doonaan  warbixin ay soo saareen guddi farsamo oo ay IGAD u saartay inay arrinta Kismaayo baaritaan ku sameeyaan.
Guddigaan ka socday IGAD ayaa Shirar kala duwan   la soo qaatay dhinacyada siyaasadda ee ku sugan Kismaayo.
Kulanka madaxweynayaasha ayaa waxaa ka horreyndoona mid kale oo gogol xaar ah kaasoo ay yeelan doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee dawladaha IGAD  kaasoo ay sii qorsheyn doonaan  ajandayaasha ay ka hali doonaan madaxda.
Si kastaba  ha ahatee go,aanka ay IGAD ka soo saari doonto kulanka ayaan la garaneyn  waxa  uu ku saleysnaan doono hase yeeshee la arki donee.
madiina.net
Dadkii ka dambeeyay dilkii Sh.C/qaadir oo dil lagu xukumay.
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Puntland ayaa Maanta  7  dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyey in ay ka dambeeyeen Dilkii (AUN) Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo 15 kii Fepruary lagu dilay Masjid Beder ee ku yaala Magaalada Garoowe.
Shiikha ayaa la dilay xilli uu dukanayay salaadda casir xilli uu u taagnaa Salaada Casar waxaana dilkiisa isla markiiba loo qabtay wiil dhallinyara ah oo ay gacanta ku dhigeen dadweynaha magaalada.
Ninka lagu magacaabo Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile oo maxkamada horteeda laga cadeeyay in uu ahaa ninkii lahaa gacanta dilka ee Shiekha Cabdulaahi Cismaan Axmed oo ahaa qabanqaabiyihii falkan ayaa markii ugu horaysayba la dhagaystay dacwadooda, waxaana sida aanu wararka ku helayno Fadhiga Maxkamada lagu dhagaystay dacwada raga nee la xiriirta dilka sheikh waxaana lagu soo bandhigay cadaymo, Qairaalo iyo Markhaatiyaal ah in ay falkan gaysteen, waxaana sidoo kale goobta la keenay hubkii shiikha lagu dilay iyo qaraxyo ay sheegeen goobta ay ku aaseen oo laga soo saaray iyo Muqaalo la xiriira Falkan.
Sidoo kale waxaa fadhiga Maxkamada lagu dhagaystay dacwadaha shan ruux oo maqanayaal ah oo dacwadooda kadib ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.
Ragan dilka lagu xukumay ayaa 5 ka mid ah aysan Goobta xaadir ku ahayn oo aan la hayn balse xukunka uu ku dhacay waxaa Madasha lagu soo bandhigay Bistooladii lagu dilay Sheekha iyo waxyaabo kale oo qarxa oo Ragan ay sheegeen in ay ku aasnaayeen Magaalada Garoowe ujeedkuna ahaa in lagu fuliyo balse ay iyagu fashiliyeen, Raga aan lahayn ee la xukumay waxaa ka mid ah.
1- Mawliid Maxamed
2- Maxamed C/laahi Ilkacase
3- Shaqalle Xasan Haybe
4,Buni Maxamed, iyo ninkale oo lagu soo koobay magaciisa Shiine.
madiina.net
Dibadbax lagu taageerayo go,aankii looga laabtay mooshinkii laga keenay xukuumadda oo ka dhacay Muqdisho.
Isusoo bax lagu taageerayey baajinta Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho boqolaal ruux oo ka mid ah dadweynaha degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa socod dheer saaka ku maray wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho kuwaas oo markii danbe iskugu ururay Barxadda Sayidka ee ku dhow afaafka hore ee aqalka baarlamaanka Soomaaliya.
Shacabka dibadbaxa dhigayey ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku taageersan yihiin xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon,waxayna sidoo kale ku dhawaaqayeen ereyo ay ku nmuujinayaan dareenkooda ku saabsan sida ay usoo dhawaynayaan ka noqoshadii Mooshinkii laga keenay xukuumadda.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa hadalo u jeediyey dadweynaha bannaabaxa kasoo qaybgalay xiriiriyaha degmooyinka gobolka Banaadir Mukhtaar dhega Cadde ayaa ku sheegay ujeedka dibadbaxa maanta inuu ahaa mid ay shacabka Muqdisho ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan taageerada ay u hayaan xukuumadda hadda jirta iyo sida ay usoo dhaweynayaan go’aankii ay mudanayaasha baarlamaanku uga laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda R/wasaare Saacid.
Xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa isne sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay iskugu soo bexeen si ay u muujiyaan dareenkooda ku aaddan sida ay ula dhacsan yihiin dadaalada bilowga ah ee ay wado xukuumadda dalka ee uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka amniga Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax” oo isne ka mid ahaa masuuliyiinta gobolka Banaadir ee hadalada ka jeediyey isu soo baxaas ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xiligan u baahan yihiin horumar balse aysan dooneen wax dumin sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in shacabka Soomaaliyeed ay taageeri doonaan cidda wanaagga dalka u horseedeysa isla markaane ay si cad uga hor imaan doonaan cid walba oo isku dayda iney carqaladeyso horumarka bilowga ah ee ka jira Soomaaliya.
madiina.net
Nin la sheegay inuu ka tirsanaa askarta Britain oo lagu dilay Koonfurta London.
Nin ayaa lagu dilay faas, laba kalena waxaa lagu toogtay xaafadda lagu magacaabo  Woolwich ee  ku taala Koofurta Barri ee magaalada  London.
Saraakiil u hadashay Britain ayaa  shegtay in weerarku yahay argagixisanimo.
Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa weerarkaa ku tilmaamay inuu ahaa  mid naxdin leh.
Waxaa la soo bandhigay Filim  la helay oo muujinaya in mid ka mid ah ragga weerarka qaaday oo midi sita oo ku qeylinaya erayo siyaasdeed.
Xildhibaan maxali ah oo la yiraahdo, Nick Raysjfor ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa askari ka tirsan xeradda Woolwich, in kastoo aan wali warakan la  xaqiijinin.
David Cameron  Ra’iisal wasaaraha Britian ayaa sheegay in  uu degdeg u soo laabanayo si looga hadlo ammaanka dalka, waxaana Dvid Cameron uu haatan safar ugu maqanyahay Farance.
madiina.net