555818_10200199915994354_1179776526_n
SOMALI LINKS

ferguson oo meesha ka saaray in nani uu ka iibin doono arsenal

Number of View :59

Alex Ferguson ayaa meesha ka saaray rajadii ay Arsenal ka qabtay inay kula soo saxiixato Nani marka uu suuqa kala iibsiga dib u furmo bisha soo socota.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Portugal ayaa dhaawac la maqan tan iyo bishii November laakiin tababaraha United ayaa sheegay in wadahadalo heshiiska loogu cusbooneysiinayo inay socdaan.

Nani ayaa boos joogta ah ka waayay kooxdiisa, waxaana ay sidoo kale isku dhaceen bilowgii xilli ciyaareedkan da’ yar Davide Petrucci.Chelsea+v+Manchester+United+-+Capital+One+Cup+Fourth+Round

Laakiin Ferguson ayaa yiri sida ay qortay Sunday Times: “Uma ogolaan doono inuu naga tago. Qandaraaskiisa ma dhacayo sannad iyo bar kale. Waan u baahanahay Nani, waxa uu leeyahay tayo aan caadi aheyn.”

Arsenal ayaa dooneysay inay heshiiskii Van Persie uga iibisay United u isticmaasho inay kula soo wareegaan Nani.

madiina.net

xafiiska ciyaarah muqdisho


Nagala Soo Xiriir

madiina.net@hotmail.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

LATEST NEWS