555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

ferguson oo sheegay inuu jeclaan laha inuu arko ronaldo oo mar kale ka ciyaaraya old trafford

Number of View :152

Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay saxaafada  inuu jeclaan lahaa in Cristiano Ronaldo uu ku soo laabto oo uu u ciyaaro Manchester United.

Tababaraha kooxda Shayaadiinta Cas Cas ayaa sheegay in hadii Ronaldo ay tahayba inuu ka tago Real Madrid, inuu rajeynayo in meesha ugu horeysa ee uu u soo jeesanayo ay noqoto Old Trafford.

Ferguson ayaa shirkiisa jaraa’id ee shalay ku yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan ku arko, laakiin marka hore immisa ayay inagu qaadaneysaa inaan halkaan keeno, tan labaad, uma maleynayo inay jirto wax fursad ah oo ay Real Madrid ku dooneyso inay iska iibiso. Waa feker iska mala awaal ah.”

Qandaraaska Ronaldo ayaa dhacaya 2015, waxaana Real Madrid hadiiba ay iska iibineyso ay dooneysaa 120 milyan ginni.

Ferguson ayaa Ronaldo waxa uu garab dhigay shalay qaar ka mid ah ciyaartoydii waa weyneyd ee caalamka soo maray.

“Ciyaartoyda waa weyn, gaar ahaan weeraryahanada sida Denis Law, George Best, Pele, Eusebio, waxa ay mar walba qaataan kubada iyagoo aan shaqo ka gelin waxa hortaagan.

“Waxaa jira qaabab kala duwan oo geesinimo ah, taas ayaana ugu fiican.

“Waxaa jira niman ku dhex ordaya iyadoo darbi uu hortaagan yahay, laakiin geesinamada ay kubada ku qaataan mar walba ayaa ah mid fantastik ah. Ronaldo mar walba geesinimadaas ayuu leeyahay.

Ronaldo oo 27 jir ah ayaa ku laaban doona Old Trafford halkaasoo uu lix sanno ku soo qaatay, marka kooxdiisa Real Madrid ay lugta labaad ee wareega 16ka Champions League booqato United.

Ronaldo ayaana shalay sheegay inuusan dabaaldegi doonin haddii uu gool ka dhaliyo kooxdiisa.

Ferguson ayaase ku kaftamay shalay: “Heshiiskii aan la galnay Real waxa uu dhigayay inuu inaga horimaan karin.

“Sharaf dhac ayay ku tahay hadii uu ciyaaro. Wax daacadnimo inooma hayo.”

Marka laga soo tago kaftankaas yar, Ferguson ayaa ka hadlay in Ronaldo ay ku soo dhaweyn doonaan Old Trafford.

“Soo dhaweyn weyn ayuu ku heli doonaa garoonka, ka dib hadii ay doonaan ha ku ooriyeen.

“Diirada waxa ay saarnaan doontaa Cristaino, waxaana rajeyneynaa marka ay halkaan imaanayaan inay yimaadaan anagoo fursad fiican leh.”

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>