555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

ferguson:kama war qabo kaalinta ay liverpool kaga jirto kala sareynta horyaalka

Number of View :917

RIN5269533CAPE-TOWN-S_40038tug cadaaga leyliya kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sii kululeeyay kulanka soo socda ee ay la ciyaarayaan Liverpool ee maanta ka dhacaya Old Trafford isagoo qirtay inuusan ka warqabin halka Liverpool ay kaga jirto kala sareynta horyaalka.

Inkastoo kulankaan uu ka mid yahay kulamada ugu xamaasada badan kubada cagta adduunka, hadana tartanka horyaalka wax saameyn ah kuma lahan madaama Liverpool ay 21 dhibcood ka danbeyso kooxda hogaanka heysa ee Red Devils.

Markii loo sheegay Ferguson in Liverpool ay haatan ku jirto kaalinta 8aad Ferguson ayaa la yaab muujiyay ka hor inta uusan hadalkiisa raacin: “Kama fekerin taas ilaa iyo markii TV-ga lagu xusay. Xaqiiqdii ma fiiriyo taas. Waxaan fiiriyaa Manchester City oo inaga danbeysa, waa kooxda sida tooska ah inooga danbeysa. Sida barnaamijkooda yahay, cida ay la ciyaarayaan isbuuca soo socda intaas oo dhan waan hubiyaa, mar walba ayaana sameeyaa.”

Taas bedelkeeda Ferguson ayaa u baahnaa in la soo xusuusiyo si kastaba, in Liverpool aysan muddo 23 sanno ah waxba ku darin 18kii horyaal ee ay qaadeen, waxaana uu ku kaftamay: “Oh haa, waan ku riyoodaa midaas.”

madiina.net

xafiisk ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>