Number of View :64
Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegaya in Wayne Rooney uu garoomada ka maqnaan doono muddo seddex isbuuc ah.
Weeraryahanka ayaa ciyaaray kulankii barbaraha 1-1 ay la galeen Swansea axadii laakiin ma uusan ciyaarin kulanki i Boxing Day ee ay shalay 4-3 kaga badiyeen Newcastle.
Tababaraha reer Scotland ayaa u sheegay MUTV in xiddiga reer England ay dhibaato ka soo gaartay jilibka islamarkaana uu garoomada ka maqnaan doono labo ilaa seddex isbuuc.
“ciyaaryahan muhiim ah ayuu inoo ahaa waa ciyaaryahan ilqabad leh waana hogaamiyaheena dhabta ah ayuu fergusan u sheegay saxaafada.
Sir Alex waxaa sidoo kale dhaawac yar kaga maqnaa Ashley Young, halka Danny Welbeck uu isna ciyaartaas ku seegay xumad heysay.
Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa guushaas gaartay gool soo daahay uu u dhaliyay Chicharito.
madiina.net@hotmail.com