Number of View :77
Xiddiga Juventus diirada u saaran Fernando Llorente ayaa xaqiijiyay inuu qorsheynayo inuu ka tago Athletic Bilbao.
Bianconeri ayaa dhawaan 7 milyan eruo ku dalbatay ciyaaryahankaan, iyagoo doonaya inay bisha Janaayo keenaan Turin, inkastoo qandaraaskiisa kooxda reer Spain uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Llorente ayaa haatan xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago kooxda reer Bosque, inkastoo uu qirtay inay xanuun badan tahay inuu ka tago kooxdii uu ku soo koray.
“Waan ka tagayaa Athletic” ayuu Llorente u sheegay Tuttosport. “Runta waxa ay tahay inaan xanuun weyn iyo murugo igu tahay inaan sannadka soo socda ka ciyaari doonin San Mames laakiin taas waa noloasha kubada cagta.”
27 jirkaan ayaa sidoo kale diiday inuu ka hadlo halka uu cagadhigan doono.
“Wax walba waxa ay gacmaha ugu jiraan wakiiladeyda. Waxaan kaliya diirada saarayaa inaan tababarto oo aan ciyaaro” ayuu hadalkiisa raaciyay.
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com