555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

fernando torres oo soo wajahday cabsi xaga line-upka ah

Number of View :1085

Weeraryahanka reer Spain Ferando Torres oo kalsooni weyn ka heestay macalinkiisa Rafeal Benitez ayaa lagu wargeliyay inuusan hada kadib ahaan doonin weeraryahanka kowaad ee kooxda Chelsea waxaana loo sheegay inuu hurada ka kaco booskiisan uu Demba Ba ka ceshto, markii hore qorshaha wuxuu ahaa in Demba Ba uu noqdo weeraryahan kaabo Torres marka uu daalana badalo balse haatan xidiSoccer - Barclays Premier League - Wigan Athletic v Chelsea - DW Stadiumga reer Senegal kulankiisii ugu horeesay ayuuba ku xureestay booska kowaad sida darteed Torres waxaa soo wajihi doonto marxaladii ugu adkeed tan iyo markii uu bilaabay cayaarista kubada cagta.

Inta badan Chelsea waxay cayaartaa qaab cayaareedka ah 4-2-3-1 inta badana macalin Benitez wuxuu dheelsiiyaa hal weeraryahan sidaa darteed Demba Ba ama Torres midkood ayaa garoonka gali doono haatana waa iska muuqato xidigii hore ee naadiga New Castle uu yahay weeraryahanka kowaad ee Chelsea, macalinka reer Spain oo ka hadlaayo arintan wuxuu yiri “aadbay u wanaagsan tahay inaan isku heesano labo weeraryahan oo tayo wanaagsan balse xaqiiqada ayaa ah in midkood uu garoonka gali doono tani waxaan ula jeedaa in Torres iyo Ba uu tartankan ka dhaxeen doono waxayna dan ugu jiri doontaa Chelsea madaama uu xiidg walbo isku dayi doono inuu kooxdiisa wax dheeraad ah u qabto”

Dhanka kale Benitez ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in Fernando Torres ay iska iibin doonto marka uu xili cayaareedkan dhamaado wuxuuna arintan ka yiri “anigaba inaan sii joogi doono ma hubi sidaa darteed Fernando ayaaba iga mustaqbal wanaagsan madaama uu qandaraas dheer Chelsea kula jiro sidoo kalena waa xidig kooxda looga baahan yahay”.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>