Number of View :125
Hoos u dhac ayaa ku yimid ganacsiga Soomaalida ee suuqa xaafadda Eastleigh, kaddib markii tiro badan oo Soomaali ah ay ku noqdeen dalkooda.
Dhaqdhaqaaqa ganacsiga xaafadda oo ay Soomaalida ku badan tahay ayaa yaraa dhowaanahan, iyadoo dhismooyinka laga dukaamaysto qaarkood ay la faaruqiyay dukaamo badan.
Nin Soomaali ah oo Taksiile ah oo la hadlay taleefashinka al-Jazeera ayaa sheegay in ganacsiga uu aad hoos ugu dhacay tan iyo markii uu soo baxay amarka ay dowladda Kenya ku siisay qaxootiga inay tagaan xeryaha.
Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa sheegtay in 13 duullimaad ay Nairobi ka aadaan Muqdisho toddobaad kasta, kuwaas oo qaada Soomaalida dib u noqonaysa.
Qaraxyo xiriir ah oo ka dhacay xaafadda Islii sanadkii hore ayaa waxaa xigay howlgallo xooggan oo ay ciidamada ammaanka ka samaynayeen xaafada, waxaanay saamayn ku yeelatay nolosha qaxooti Soomaali ah oo Nairobi ku noolaa tobannaan sano.
madiina.net@hotmail.com