Number of View :101
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa wuxuu ka arinsan doonaa waxa laga yeelaayo cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya. Kadib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Banki Moon uu Golaha Ammaanka uu ka codsaday in dib u eegis lagu sameeyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, ayay Golaha Ammaanka ka hadli doonaan. Toddobaadkaan ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha Ammaanka ay shir ballaaran isugu yimaadaan Magaalada New York ee Wadanka Maraykanka, si’ay uga wada hadlaan xayiraada hubka ee Somaliya saaran. Golaha Ammaanka ayaa waxaa laga rajeynayaa inay aqbalaan in cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran ay ka qaadaan, haddii Qaramada Midoobe ay taageersan tahay dalka Soomaaliya. Marar badan ayay ku cel celiyeen Masuuliyiinta Soomaaliya, in laga qaado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, isla-markaana waxay sheegeen inay faa’iido badan u lee dahay soo afjarida dagaalada lagula jiro Al Shabaab.
madiina.net@hotmail.com