Number of View :96
Guddiga amniga baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay laamaha nabad-galyada dowladda Soomaaliya in ay ka hor tagaan falalka amaan darro iyo weerarada ka imanaya kooxda Al-shabaab.
Waxaa ay guddiga ku eedeeyeen laamaha nabad-galyada dowladda Soomaaliya in ay wax badan ka gaabiyeen sugida amniga iyo sidii looga hortagi lahaa falalka nabad-galyada ka dhanka ah ee ka dhaca caasimada.
Warka ka soo baxay guddiga nabad-galyada ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay qof isku soo xiray walxaha qarxa uu weerar khasaare sababay ku qaaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Waxaa uu guddigu siweyn u cambaareeyay weerarkii maalintii shalay oo ay mas’uuliyadiisa qaadatay kooxda Al-shabaab, iyaga oo dhinaca kale ka codsaday bulshada ku dhaqan Muqdisho in ay mar walba la shaqeeyaan hay’adda nabad-galyada dowladda.
madiina.net@hotmail.com