555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Guddoomiyaha gobollka Sh/hoose oo ka hadllay weerarkii xalay ka dhacay Buula-mareer

Number of View :142

Guddoomiyaha gobollka Sh/hoose C/qaadir Max’ed Nuur Sidii oo warbaahinta la hadllay ayaa ka warbixiyay howlgal xalay diyaarado dagaal oo Faransiis laga lahaa.

‘’Gobollka waxaa xalay ka dhacay howlgal ay fuliyeen ciidamada NATO ay fuliyeen, Buula-mareer ayuu ka dhacay weerarka, xalay saqdii dhexe ayeey aheyd, waxaana uu soo dhamaaday saakay waabarigii hore,’’ C/qaadir Max’ed Sidii.

Mar la weydiiyay sababaha uu howl galkan ku dhacay ayuu sheegay in ciidamada NATO ay daba socdeen nin ajnabi ah oo laga afduubtay Muqdisho, waxaana uu cadeeyay in howl galka uu ku dhacay sidii loogu tala galay.

Waxaa uu sheegay in ay ciidamada daba socdeen rag horay looga afduubtay magaalada Muqdisho oo mid ka mid ah uu baxsaday, kan kalana ilaa iyo hadda gacanta ugu jiro xoogagga Al-shabaab.

‘’Waxaa ay daba socdeen sarkaal u dhashay dalka Faransiiska oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Al-shabaab, annaga ayaa howlgalkaas fududeynay ayuu yiri,’’ C/qaadir Max’ed Nuur Sidii.

Mar la weydiiyay in Ciidamada howl galka fuliyay inay ahaayeen Ciidamo Faransiis ah ayuu xaqiijiyay, isagoo xusay in Maamulkiisa uu weerarkaas fududeeyay, isla markaana uu jiray xiriir horay ugu dhaxeeyay arrintan.

“Haa waa sax waa ciidan Faransiis, maxaa yeelay Mareykanka iyo Faransiiska NATO waa ka mid yihiin, howl galkan buulo mareer ayuu ka dhacay, gantaalo Karuus ayaa la adeegsaday, meesha ciidan ayaa soo degay, in lagu guuleystay waxaa cad in dhulka cagahooda soo dhigeen ciidamada Kumandoska”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buula-mareeb ayaa sheegay in howlgalku ahaa mid culus, lama oga in ciidamada dowladda Faransiika ku guuleysteen in ay furtaan sarkaalka afduubka lagu heystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>