555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Guddoomiye ku Xigeenka Barlamaanka kenya oo Dawladda kenya ku Canbaareeyay in Qaxootiga Soomaalida Qasab Looga saaro kenya

Number of View :409

Faarax Macalim Guddoomiye ku Xigeenka Barlamaanka kiinya oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay inuu jiro Bayaan ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada Dalka kenya kaasoo qorsheynaya in Magaalooyinka waa weyn ee Dalkaasi laga saaro Qaxootiga Soomaalida kuwooda Sharciga haysta iyo kuwooda aan haysanba.

Guddoomiye ku Xigeenka ayaa sheegay in warqadaas oo uu helay Nuqul ka mid ah ay ku qorneed in Soomaalida la isugu keeno Garoomada Kubadda Cagta isla markaana dib loogu celiyo dhamaantooda Xeryaha qaxootiga eek u yaala Xeyaha Dha Dhaab ee waqooyiga Bari ee Kiinya.

Faarax Macalim oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in qorshahaas ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada kiinya inuu yahay qorshe qarsoon oo ay maleegayso Xukuumadda Kiinya oo sida uu sheegay aan jeclayn xiligan soo galootiga faraha badan eek u sugan dalkeeda.

Arrintaas darteeda ayuu Guddoomiya ku xigeenku sheegay in Ciidamada boliiska  waqtiyadii la soo dhaafay Ol olayaashii ay sameynayeen oo guryaha xaafadda Islii ay ugu galayeen Soomaalida in arrintaasi bilow u ahayd.

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf xaaji oo ah Xildhibaan laga soo Doorto Degaanka kamakuje ee magaalada Nayroobi ayaa arrintaa ka hadlay isagoona sheegay in aysan u dul qaadan doonin tallaabada ay maaggan tahay Xukuumadda kiinya arrintaasina ay si weyn uga soo hor jeesan doonaan waa siduu hadalka u dhigay xildhibaankuye.

Xildhibaankan ka tirsan barlamaanka Kiinya oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa sii raaciyay in Soomaalidu marnaba aysan dooneyn in si qasab ah Dadka Soomaaliyeed looga saaro dalkaas isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan Soomaali fara badan oo dawladda Kiinya hore ugu aqoonsatay Qaxootinimo.

Si kasta ha ahaatee Muddooyinkii danbe ayaa xukuumadda Kiinya waxa ay wadday Ol olayaal ay dib ugu celinayso Dadka aan Sharciga haysan eek u sugan Magaalada Nayroobi taasoo iyaduna keentay in Boqolaal Soomaali ah ay dib ugu soo Laabtaan Dalkooda Hooyo.

madiina.net

xafiiska wararka

muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>