Number of View :102
Kadib shirjaraa’id oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku qabteen Guddiga dhismaha bacaadlada Degmada Xamarweyne ayaa waxa ay digniin ujeediyeen ganacsatadii kireesatay suuqaasi. Cumar Cismaan Waasuge Guddoomiyaha Guddiga dhismaha suuqa Bacaadlaha oo warbaahinta ugu horeyn la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ganacsatada kireesatay bacaadlaha hadii aysan goobahooda ganacsi ku furan muddo shan cisho gudahooda ay kala wareegayaan furaha goobahaasi ganacsi. Wuxuu sheegay in dadka kireestay suuqa Bacaadlaha Degmada Xamarweyne ay bixiyeen lacagaha kirada goobaha ganacsi balse aysan furan goobahaasi. Sidoo kale Cali Baashi oo ah xubin kamid ah Guddiga ganacsatada Bacaadlaha Degmada Xamarweyne ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiis ay wada galeen ganactsada iyo guddiga. Suuqa Bacaadlaha ee Degmada Xamarweyne ayaa dhawaan si qurux badan loo dayactiray iyadoo laga kireeyay ganacsato Soomaaliyeed balse ilaa iyo iminka aan lagu bilaabin howlaha ganacsiga.
madiina.net@hotmail.com