555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Gudoomiaha Gobalka Nugaal oo ka hadlay Xaalada amaan ee Gobalka Nugaal digiinina u diray dad u shegay in ay yihin qas wadayaal

Number of View :125

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta saxaafada la hadlay ayaa ka hadlay nabadgalyada iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen ciidanka amniga Puntland kuwaasii lagu xaqiijinayay amniga iyo xasiloonida.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa si kulul u weeraray kooxo uu tilmaamay inay qas iyo fowdo la damacsan yihiin Gobalka Nugaal gaar ahaan magalo madaxda Garowe,wuxuna sheegay inaysan mar danba arimaha caynkaasi oo kale ah mamulku u dulqadan doonin.
Wuxuna sheegay sidoo kale nidaamka axsaabta badan ee ka uunkay Puntland qofkii ka hor yimaada in la marsiin doono tilaabo sharciga waafaqsan iyo qodobka uu sharciga dastuurku ka qabanayo,isagoona shacbaka Gobalka Nugaal ugu baaqay inay ka qayb qaataan nidaamka dimoqraadiyada oo ku dhisan axsaab siyaasadeed iyo in la xoojiyo nabadgalyada Gobalka.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ,arimo badan oo ku saabsan amniga Gobalka,nidaamka axsaabta badan la dagalanka burcad badeedka ayuu ka hadlay.

 

Madiina.net 

Xafiiska Garowe 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>