Number of View :153
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abuu Kaate Ceydiid Ilka Xanaf ayaa shaaca ka qaaday in si hoose Xabsiga dhaxe looga siio daayay Nin Sanad kahor Magaalada Muqdisho ku dilay labo Nin oo katirsanaa Shaqaalaha Hay’ada MSF Biljam.
Ceydiid Ilka Xanaf waxa uu sheegay in Ninkan uu Dilay Labo Nin oo Midkood madax ka ahaa Hay’ada MSF biljam midka kalana uu ahaa Dhaqtar u dhashay Dalka Indonesia waxa ayna Maxkamada ku xukuntay gacan ku dhiiglaha 30-Sano oo Xarig ah iyo lacag aad u fara badan.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa sidoo kale sheegay in Sadax Garsoore oo katirsanaa Maxkamada Sare oo loo xilsaaray arinka Ninkaan in ay ku kaceen Musuq maasuq ayna xabsiga kasii daayeen Ninkan gacan ku dhiiglaha ahaa ee lagu xukumay 30-ka Sano ee Xabsiga ah.
Waxa uuna Sheegay Gudoomiyaha Maxkamada in Ninkii Dilka geestay uu ka baxsaday Dalka uuna kunool Yahay meel aan la aqoon oo Dalka Dibadiisa ah waxa uuna Carabka ku dhaftay in Darajooyinkii ka rifeen oo ka qaadeen Sadaxdii Garsoore ee Ninkan sii daayay qarankana qiyaamay.
Ninkan Xabsiga laga siidaayay oo Horey uga tirsanaa Shaqaalaha Hay;ada MSF Biljim ayaa markii shaqada laga Ruqseeyay maalintii xigtay Caro uu qaaday waxa uu dil bareer ah Xarunta Hay’adaasi oo kutaala Agaagrka Isgooska Zope ugu geestay Ninkii ugu Sareeyay Hay’ada MSF Biljim ee Muqdisho oo u dhashay Dalka Biljimka iyo Ninkale oo dhaqtar ahaa oo isna u dhashay Dalka Indonesia.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com