555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

harry redknapp oo chelsea uga digay iney fasaxdo frank lampard

Number of View :841

Tababaraha kooxda QPR Harry Redknapp ayaa u sheegay Chelsea inay qalad weyn tahay hadii ay iska diraan Frank Lampard.

Tababaraha QPR ayaa la yaab ay ku noqotay qorshaha ay Chelsea ku dooneyso inay iska dirto wiilka uu abtiga u yahay, madaama Harry Redknapp ay u dhaxdo Frank Lampard habaryartiis.

Kooxda Redknapp ayaa caawa Stamford Bridge waxa ay ku qaabileysaa Blues iyadoo kulankaan uu yahay West London derby.

Waxaana uu yiri kulanka ka hor: “Shaqsi ahaan waxaan qabaa inay qalad weyn tahay in Frank la iska fasaxo.

“Maalin dhexdaas waan aragnay markii uu dhaliyay labo gool oo cajiib ah kulankii Everton inuu weli yahay ciyaaryahan sarre.

“Halkee baad ka heleysaa ciyaaryahan khadka dhexe oo goolal kuu dhalinaya sida Frank maalmahan? Wax sidaas u badan ma joogaan.”

Goolasha Lampard uu ku dhaliyay Goodison Park ayaa ka dhigeysa wadarta goolasha uu Chelsea u dhaliyay 192 gool.233230hp2 233230hp2

34 jirkaan ayaana hal gool u jira inuu barbareeyo ninka labaad ee ugu goolasha badan taariikhda Chelsea Kerry Dixon.

Inkastoo uu ka caawiyay inay hantaan Champions League islamarkaana uu haatan u ciyaarayo si wacan, waxa ay weli u muuqataa inuu ka baxayo albaabka Stamford Bridge.

Lamps ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaaga, waxaana uu sheegay inuusan haatan jirin calaamad uu qandaraas cusub ku saxiixayo.

Redknapp ayaa yiri: “La yaab ayay igu aheyd. Uma maleynayo inay wax ka fiican Frank heli karaan.

“Uma maleynayo inaad meelna ka soo heleyso khadka dhexe goolal badan ka dhalin kara Premier League.

“Halkee ka soo heleysaa qof sidiisa oo kale ah, ciyaaryahan difaac ku galaya, ka dibna weerar aadaya goolna ku soo dhalinaya?”ayuu hadlakiisa kuso gabagabeeyey macalin harry redknapp

madiina.net

xafiiska ciyaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>