Number of View :115
Iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay howlgalo culus ay ka wadeen ciidamada nabad-sugida qeybo ka mid ah degmooyinka gobollka Banaadir ayeey sheegtay hay’adda nabad-sugida in la sii wadi doono howlgalada.
Taliyaha ciidamada nabad-sugida Khaliif Axmed Erag ayaa sheegay in howlgalada sii socon doonaan inta gabi ahaanba amaanka magaalada caasimada u ah Soomaaliya la xaqiijinayo isla markaana amaanku uu noqonayo mid lagu kal soonaan karo.
Sidoo kale, Khaliif Axmed Erag ayaa sheegay inay muhiim tahay in magaalada xaaladeeda wax laga qabto, wuxuuna tilmaamay in gacanta lagu soo dhigayo dadka amaan darida ka wada Muqdisho.
Maalintii shalay ayeey ciidamada nabad-sugida ku soo qab qabteen howlgal ay ka sameeyeen Muqdisho dad ka badan 1000 ruux oo sida uu sheegay markii la kala saaray ilaa 100 ruux lagu hellay tuhun la xiriira in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab.
Howlgalada ay ciidamada dowladda ka sameynayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhibaato xoog leh ku qaba qeybaha bulshada Muqdisho, madaama aysan ciidamada dadka kala soocin marka ay howlgalka ku jiraan.
madiina.net@hotmail.com