555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Q-M oo Cambaareeyay Xukunka lagu riday Wariye Koronto iyo Haweeney.

Number of View :199

Hay’addo kala duwan oo u dooda Xuquuqda aadanaha oo kamid yihiin Amnesty International iyo Humen Watch ayaa si kulul u Cambaareeyay xukunkii Maxkamada gobolka Banaadir ku riday Wariye Cabdicasiis Koronto iyo haweenay sheegtay in la kufsaday.

Hay’adahani aya ku tilmaamay Xukunka inuu yahay dib u dhac wayn oo ku ah qorshayaasha lagula dagaalamayo kufsiga hawenka isla markaana wiiqaya Xoriyada Saxaafadda Soomaaliya.

Ururadani u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliyeed inay si deg deg ah u siidayso Wariyaha iyo haweenayda xiranba iyagoo sidoo kalana tilmaamay in xukunkani caqabad ku noqon doono in haweenka la kufsado ay soo tabiyaan dhibaatooyinka loo gaystay Wariyaashuna ay ka gaabsadaan wax ka qorida tacadiyada ka dhanka ah Haweenka.

Hay’addaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay dowladdaha taageera Soomaaliya inay si cad ugu sheegaan inay Dowladda Soomaaliya ka laabato Xukunkii ay shalay ku riday Wariyaha iyo Haweenayda kufsiga loo gaystay.

Dhanka kale Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon ayaa si kulul u cambaareeyay Xukunkii shalay ay Maxakamadda gobolka Banaadir ku riday Wariye Cabdicasiis koronto iyo Haweeney sheegtay in Kufsi loo gaystay.

Tan iyo markii shalay Maxakamada gobolka Banaadir ay xukuntay Wariye Cabdicasis koronto iyo haweenay sheegtay in la kufsaday ayaa waxaa soo badanaya Cambaaraynta loo jeedinayo Dowladda Soomaaliya ee ku aadan qaabka kiiska loo Wajahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>