Number of View :61
Magaalada Marko ee xarunta gobalka Sh. Hoose ayaa waxaa habenkii xalay ahaa laga sameeyay howl gal lagu soo qab qabtay in kabadan 30 ruux oo dhalinyaro u badan, kadib qaraxyo is xig xigay iyo warqado digniin ah oo habeen hore lagu daadiyay.
Dadkaan laqab qabtay ayaa dhamaan waxaa lagu guray xabsiyada magaaladaasi, waxaana goob joogayaashu sheegayaan in uu yimid kadib markii laba qarax oo siyaabao kala duwan u dhacay lagu weeraray gooba ganacsi iyo ciidamo dowlada ka socda
Weerarka hore waxaa lagu qaaday goob ganacsi oo ay laheyd mid kamid ah haweenka caanka ka ah degmadaasi oo xilligaa ku mashquulsaneyd in ay wax ka iibsato ciidamada dowlada Soomaaliyeed.
Qaraxa labaad ayaa isna ciidamada dowlada Soomaaliyeed lala eegtay, waxaana qaraxyadaasi dhamaan ay dheceen iyada oo habeen kahor magaaladaasi lagu daadiyay warqado digniin ah oo lagu farayo ganacsatada in ay iska joojiyaan lamacaamilida ciidamada dowlada Soomaaliya hadii kale ay weerarro lakulmayaan.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com