Number of View :68
Goob Joogayaal Ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaamadiina.net u sheegay in howlgallada Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay saaka wadaan ay ku soo qabteen tiro dad ah kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.
Howlgallada ayaa ah kuwa Soconaya waxaana Ciidanka dowladda ay Guri Guri ubaarayaan Xaafadaha Suuqa Xoolaha.
Howlgallada Ciidanka dowladda ay sakay ka wadaan Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa imaanaya Xilli xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Degmada Heliwaa inkastoo aan la ogeen Khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.
Howlgallada ay Saakay wadaan Ciiidanka dowladda ayaa qayb ka ah howl gallo Maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada dowladda ay ka wadeen degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
madiina.net
xafiiska wararka
muqdisho.
madiina.net@hotmail.com