555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Iiran iyo Yaman oo lagu eedeeyay inay Jabiyeen Cunaqabataynta Hubka ee saran Somaliya

Number of View :188

Gudiga golaha amniga qaramada midoobe u qaabilsan  la socodka Cunaqabateynta hubka ee  Saaran dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya uu si xawli ah usoo galo hub ka yimaada wadamada Iiraan iyo Yemen hubkaas oo gacanta u gala dagaalyahanada alshabaab kuwaas oo kusii huriya colaadaha ka socda dalka Soomaaliya dablamaasiyiin ka tirsan gudin ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuter iney jiraan xaqiiqda arinkaasi.

Dablamaasiyiinta ka tirsan gudiga la socodka cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay wadanka Soomaaliya ayaa tilmaamay iney jiraan kooxo isku xiran kuwaas oo hubka u daabula gudaha wadanka Soomaaliya,waxaana si gaar ah farta loogu goday wadamada Iiraan iyo Yemen kuwaas oo lagu sheegay iney jabiyeen Cunaqabateynta hubka ee saaran wadanka Soomaaliya.

War bixinta lagu daabacay wakaalada Reuter oo soo xiganeysa dablamaasiyiinta ka mid ka ah gudigaas ayaa sheegaya in hubka markiisa hore laga keeno wadanka Iiraan kadibne uu soo gaaro wadanka Yemen oo ay qeybo ka mid ah ka arimiyaan Islaamiyiin Mayal adag waxaana la sheegay in markaas kadib hubkaas doomo lagu soo daabulo lagana soo dejiyo deegaanada ay ka arimiyaan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Dablamaasiyiinta ayaa tilmaamay in arinkani ay caqabad ku noqon doonto doonitaanka dowlada Soomaaliya ee ahaa in Soomaaliya laga dul qaado xayiraada dhanka hubka ah ee saaran taasoo ay u ololeynayaa wadamo uu mareykanku hormuud u yahay,bishii hore ayey ahayd markii ay si wada jir ah gacanta ugu dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen iyo Mariiniska Mareykanka dooni siday hub fara badan taasoo kasoo shiraacatay dalka Iiraan sida ay sheegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>