555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

isma lahayn Amiin Caamir ayaa baxsan doona?! Qiso iyo Dhacdo dhab ah oo yaab leh!!

Number of View :599

CAAMIR Amin Caamir ayaa billowgii bishii December wuxuu warbaahinta u sheegay inuu safar ballaaran ku kala bixin doono qaarada yurub iyo Amerika, Gaar ahaan waddamada, England, Sweden, Norwey Finland, Denmark, Holland. Iqb.

Amiin ayaa sheegay inuu safarkiisu ku saabsan yahay, waxqabadkiisii 20 kii sano waa siduu hadalka u dhigaye, oo uu soo bandhigi doono waxyaalo cusub iyo sawir gacmeedyo oo ka dhawaajiyey inuu ugu deeqi doono qarashka ka soo gala Dugsiyo waxbarasho oo laga hirgeliyo, Xamar, Marka ,Baraawe.
Haddaba sida wararku nagu soo gaarayaan, AmiinCaamir, ayaa waxa uu dib ugu laabtey waddankuu deganaa ee Canada isaga oo aan la ogayn sababta uu u baajiyey Safarkii dheeraaye Yurub waa maxay sababta?
Amiin Caamir sida la sheegayo wuxuu si dhuumasho ah uga baxay magaalada London iyada oo aan la ogayn meesha uu aadayo, gudiga Sportiga Jaaliyada UK ayaa ka war helay inuu dib ugu  laabtay halkii uu ka yimid ee Canada, iyaga oo ku guda jira ama qorshaynaya safaradii kale
Waxaa sidoo kale ku hungoobay qolyihii taageerayaashiisa ee joogay Sweden, Denmark, Norwey,Finland , Holland, oo ay lama filaan ku noqotay baaqashada shaqsigii hawlgeliyey ee Amin Caamir oo ay wada sugayeen.
Haddaba waxaa is weydiin leh, maxaa sababay in Amiin safarkiisa baajiyo?
In Amiin ka baxsado London oo dhaqso Canada ugu laabto?
In Amiin Dugsiyadii waxbarashada uu ku baaqey beeneeyo?
Amiin oo aan looga baran waxqabadka Bulshada rayidka, ayaa wuxuu ku sifoobay “Shimbiri maalinay dabqaadey maalintiina buulkii habarteed ayey gubtey!
Haddaba Amiin maalinbuu ku dhawaaqay waxqabad iyo inuu Dugsiyo dhisayo, Aaway Balanqaadkii Amiin?
Halkeebay ku danbeeyeen dugsiyadii la furayey, Ma kulankii soo dhaweynta ee dhawrka sawirgacmeed lagu iibsadey ayaa ku filnaatey? Mise arrimo kale ayaa jira?
Ma wuxuu ogaaday in beentiisi iyo isku dirkiisii iyo laaluush qaadashadiisii la bartay oo waxoow saluugay sidii ay u dhacday Xafladii gaaba gaabeeyda noqotay oo siduu filaayay loo imaan waayey?
Dhamaan su’aalahan Jawaabahooda ka filo goor dhaw Shabakada Shaaciye oo wareysiyo ka soo qaaddey, Jaaliyadaha Uk, Denmark, Norweyn iyo Holland oo aad looga sugayey kuwaasoo uu ka yaabsaday , waxaana idiin soo gudbin doonaa xiliyada fooda inagu soo haya insha-allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>