555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

jaaliyada gobolada jubooyinka ee k/afrika oo baaq u diray maamulada goboladaas

Number of View :148

Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa ee Jubbaland ayaa baaq dheer u diraya dhinacyada dega Jubaland si ay isaga kaashan lahaayeen hormarinta iyo nabadeynta gobolka oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo garab weyn ka helaya ciidamada nabad sugida ee AMISON.

Gudoomiyaha Guud ee Jaaliyada Jubbaland oo fadhigiisa yahay magaalada Cape Town Maxamed Axmednuur Xaashi (Weyrax) oo saxaafada kula hadlay xafiskiisa ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay dilalka loo geysanayo nabadoonada dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin Beri ma geedo isla markana ay mudan yihiin in la dhowro.

Maxamed A Weyrax ayaa warka intaasi ku daray in xiligani nabadoonada ay yihiin kuwii dhex dhexaadin lahaa dhalinta ubaxa gobolka jubaland isla markaana xog badan ka haaya marxaladihii oo uu soo maray gobolka sidaasi oo ay tahay ay qalad tahay in si sahlan loo ugaarsado isagoo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in ay cirib tirayaan waxgaradka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu u digay dadka doonaya in ay iska horkeenaan qabaa’ilada daga dhamaantood degaanada Jubaland isla markana ay xiligani munaasab ahayn in Soomaaliya la kala qaad qaado qaab qabiil iyadoo xiligani laga gudbay dib u dhicii hore ee 20-tan kii sanno ee lasoo dhaafay na daashaday, “Waxaanu leenahay fahma oo indhahana fura isku dhanna ka noqda kooxaha danaha khaaska leh, sidoo kale waxaan baaq udirayaa maamulka magaalada kismaayo inay fadhiga ka kacaan oo ay gacan bir ah ku qabtaan kooxaha tuugaysiga kulaynaya nabadoonada iyo caaqiliinta qabaa”ilada.”

Si kastaba ha ahaatee Gobolada Jubooyinka ayaa laga dareemayaa ififaalo nabadeed iyadoo ay halkaasi ka curanayaan tasiilaadka daruuriga ah oo dadka degaanka ay u baahan yihiin.

madiina.net

xafiiska wararka muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>