Number of View :54
Kulankii Ugu Dambeeyay ee Sanadka 2012 ee Horyaalka Serie A oo ay Wada Ciyaareyn Kooxaha Cagliari Vs Juventus kaas oo caawa marti loogu ahaa Kooxda Cagliari Balse anan lagu ciyaarin Gurigooda kadib Sababo Amaanka oo laga deeriyay awgeed ayaa waxaa lagu ciyaaray Guriga Kooxda Parma waxaana halkaasi lagu dubtay Kooxda Cagliari oo looga badiyay 3 iyo 1.
Ciyaariyahanka Pinilla ayaa Gool Rigoore ah u Saxiixay Kooxdiisa Daqiiqadii 16 waxaana uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa ilaa Daqiiqadii 75 oo uu barbareeyay Ciyaariyahanka Matri oo Laba Gool oo uu kala dhaliyay Daqiiqadihii 75 iyo 92 Halka uu hadane u Saddexeeyay Ciyaarihayan kale ee Vucinic Daqiiqadii 94 ee waqtiga dheeriga ah Sidaasina waxeey Goolasha Wadar ahaan ka dhigeysaa 3 iyo 1 oo ay ku badisay Kooxda Juventus.
Kooxda lagu Naaneesto Marwada Duqda ah ama Juventus oo ah Hogaanka Horyaalka waxeey caawa ciyaartay Ciyaartii ugu dambeeysay ee Sanadka 2012 waxeeyna guul ku soo xirtay Xili Ciyaareedkeeda Sanadka 2012 Ayadoo kulankeeda ugu horeeya Sanadka 2013 ay Ciyaareyso 6 Bisha Janaayo, Juventus waxa ay haatan Hogaanka Serie A ku heysaa 44 Dgubcood waxeeyna 10 dhibcood ka sareeysaa kooxda ku soo xigta ee Inter Milan oo ayadana ciyaareeyso Maalinta Berito ah.
Dhanka kale waxaa ayada sidoo kale caawa jiray kulan kale oo ka tirsanaa Horyaalka Serie A waxaana caawa wda ciyaaray Kooxaha Pescara Vs Catania waxaana 2 iyo 1 ku badiyay Kooxda Pescara .
Kulamada kale ee Horyaalka Serie A waxaa la ciyaarayaa Maalinta berito ah haduu alle idmo insha allah waan idiin soo gugbineynaa Natiijooyinka….
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com