555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Juventus Oo Kula Biirtay AC Milan Wadahadalada Saxiixa Xiddiga Manchester City Mario Balotelli.

Number of View :806

Weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli ayaa laga yaabaa inuu dhawaan ku laabto dalkiisa Talyaaniga iyadoo ilo ku dhow dhow wadadahalada ay sheegeen in Milan iyo Juventus ay xiiseynayaan inay heshiis la gaaraan ciyaaryahanka.

Kooxda heysata horyaalka Ingariiska ayaa la hadleysay kooxaha ka dhisan Serie A 24kii saacadood ee u danbeysay, iyadoo si aad ah loo warinayo in Milan ay miiska soo saartay 2o milyan oo euros (17 milyan ginni) oo ay sii dheertahay lacago kale oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedka 22 jirkaan, laakiin dalabkaas ayaa ah mid ka hooseeya lacagta City ay dooneyso.

City ayaan iyada la cadcadeyn inay iska iibiso Balotelli kaasoo saxaafada ay ka hadasho dabcigiisa garoonka iyo banaankaba had iyo jeer, laakiin hadiiba uu ka tagayo kooxda bishaan City ma dooneyso heshiis amaah ah.

 

Balotelli ayaa kaga soo biiray City kooxda Inter Milan 2010kii iyagoo ka soo bixiyay ku dhawaad 24 milyan ginni, waxaana intii uu kooxda joogay uu ku dhacay qaladaad badan oo la xiriira inay isku dhaceen tababarihiisa iyo arimo kale oo dishibiliinka ah.

madiina.net

xafiiska wararka

muqdisho – somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>