555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Kala Sareynta Tartanka Gooldhalinta 3da Horyaal Ee Ugu Waa Weyn Yurub, Premier League, Serie A Iyo La Liga.

Number of View :481

Hadii aan ku horeyno horyaalka Premier League waxaa weli hogaanka u haya gooldhalinta Robin van Persie kaasoo leh 18 gool, waxaana weli ku soo xiga Luis Suarez oo isna leh 16 gool.

Demba Ba ayaa isna seddexaad ku jira oo leh 14 gool, halka Michu uu weli leeyahay 13 gool.

Hadaba dhanka kala sareynta gooldhalinta horyaalka Ingariiska waa sida tan:’

18 – Robin van Persie (Manchester United)

16 – Luis Suarez (Liverpool)

14 – Demba Ba (Chelsea)

13 – Michu (Swansea City)

10 – Edin Dzeko (Manchester City), Rickie Lambert (Southampton), Steven Fletcher (Sunderland), Jermain Defoe (Tottenham Hotspur).

9- Theo Walcott (Arsenal), Gareth Bale (Tottenham Hotspur), Romelu Lukaku (West Bromwich Albion).

Dhanka kale horyaalka Serie A waxaa hogaanka weli haya Edinson Cavani oo gool ku darsaday isbuucaan isagoo ku hogaaminaya 17 gool.

Waxaana ku soo xiga weeraryahanada Udinese iyo AC Milan Antonio Di Natale iyo Stephan El Shaarawy oo wada leh 14 gool.

Hadaba kala sareynta gooldhalinta Serie A waa sida tan:

17 – Cavani E. (Napoli),

14 – Di Natale A. (Udinese), El Shaarawy S. (Milan),

 

10 – Klose M. (Lazio), Lamela E. (Roma), Osvaldo P. (Roma), Pazzini G. (Milan),

8 – Gilardino A. (Bologna), Hernanes A. (Lazio), Jovetic S. (Fiorentina), Milito D. (Inter),

7 – Belfodil I. (Parma), Bergessio G. (Catania), Bianchi R. (Torino), Denis G. (Atalanta), Hamsik M. (Napoli), Palacio R. (Inter), Sau M. (Cagliari), Totti F. (Roma),

6 – Giovinco S. (Juventus), Paloschi A. (Chievo), Quagliarella F. (Juventus), Toni L. (Fiorentina),

Dhanka horyaalka La Liga, Lionel Messi ayaan weli loo soo dhaweyn islamarkaana hogaanka sii dheereysanaya marba marka ka danbeysa waxaana uu ku hogaaminayaa 29 gool, inkastoo jariirada Marca oo bixisa abaalmarinta gooldhalinta Spain ee Pachichi ay u qoreyso 28 gool iyadoo mid ka mid ah goolashiisa u xisaabiyay inay tahay mid la iska dhaliyay. Laakiin BBVA LA Liga waxa ay u qorayaan 29 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa soo qabtay Radamel Falcao ka dib labadii gool ee uu isbuucaan dhaliyay, waxaana labada xiddig ay haatan ku jiraan kaalinta labaad iyagoo wada leh 18 gool.

Kala sareynta gooldhalinta La Liga:

29 – Messi (Barcelona)

18 – Falcao (Atletico Madrid), Ronaldo (Real Madrid)

11 – Aduriz (Athletic Bilbao), Soldado (Valencia), Ruben Castro (Real Betis)

9 – Oscar (Real Valladolid), Piti (Rayo Vallecano)

8 – Aspas (Celta Vigo), Higuain (Real Madrid), Negredo (Sevilla), Postiga (Real Zaragoza), Vela (Real Sociedad)

7 – Hemed (Mallorca).

 

madiina.net

xafiiska wararka

muqdisho hoyga ciyaaraha

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>