555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Kooxda Al-shabaab oo sheegtay in ay dil ku fuliyeen sarkaalkii Faransiiska Dennis Allex

Number of View :325

Kooxda Al-shabaab ayaa ay war ay soo saareen waxaa ay shaac kaga qaadeen in ay dil ku fuliyeen ama dileen la heystihii u dhashay dalka Faransiiska Dennis Alex oo maalintii shalay ay ku xukumeen dil.

War ay ku daabaceen kooxda Al-shabaab bogga Twitter-ka ayaa ku sheegeen in xalay saacado marka ay aheyd 7: 30 fiidnimo ku dileen Dennis Alex deegaannka Buula-mareer oo ah halkaa uu ka dhacay weerarkii ay Faransiisku ku soo qaadeen kooxda Al-shabaab.

ma aysan sheegin ama warbixinta kuma aysan darrin qaabka ay u dileen sarkaalka, laakiin waxaa ay sheegeen in fiidnimadii xalay dil ku fuliyeen, kaa oo ka dhashay ama jawaab u ah sida ay sheegeen weerarkii ay dowladda Faransiisku ku qaaday Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda waxaan kala cadeyn run ahaanshaha warka kooxda Al-shabaab, madaama dowladda Faransiisku horay u sheegtay in sarkaalkiisi la dillay intii uu socday howlgalkii ciidamadooda ay doonayeen in ay ku soo furtaan, wixii xiligaan ka danbeeyayna Al-shabaab marnaba ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya in uu nool yahay marka laga soo tago in ay beeniyeen warka dowladda Faransiiska ee ahaan in waqtii uu socday howlgalka la dillay sarkaalka.

Dowladda Faransiiska ayaan ka hadlin weli xukunka lagu  riday sarkaalka u afduubnaa Al-shabaab oo rumeysan yihiin in la dilay intii uu socday weerarkii lagu doonayay in lagu furto, balse Al-shabaab ay sheegeen inay hayaan ayna go’aan ka gaari doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>