555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Kooxda Al-shabaab oo u Hanjabtay Ciidamadda Jabuuti ee ku sugan Baladwayne

Number of View :262

Afhayeenka ururka Al-shabaab dhanka Dagaalada Cabdi casiis Abuu Muscab Ururka Al-shabaab ayaa sheegey in ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Ciidanka Jabuuti oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay duleedka Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay kula Galeen Ciidamaada Jabuuti iyo Ciidanka Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in weerarka dagaalka ah ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab ayna ku qaadeen fariisin ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka Beladweyne.

Abuu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi isaga oo sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Jabuuti oo uu sheegay inay dalka kusoo duuleen.

Dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ayaa wuxuu udhaxeeyay xoogaga Shabaab iyo sidoo kale ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha labada dhinac dagaalkaasi kasoo kala gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>