Number of View :36
Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Rag katirsan Ciidamada Al-Shabaab ay weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ku qaadeen goob ay kasocotay Tamashleynta Xaflad Aroos.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Booco oo qiyaastii 30 kiilo mitir koofur kaga Toosan magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo la sheegay in dad Reer Miyi ah ay ku dhiganayeen Xaflad aroos halkaasna ay ku tumanayeen Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka.
Rag katirsan AL-Shabaab oo goobta Xaflada kasocotay si kadis ah ku yimid ayaa Rasaas la beegsaday Goobta Xaflada Arooska kasocotay iyadoon a lasoo sheegayo Weerarkaasi in ay ka dhasheen Dhimashada Haweeney iyo dhaawaca 2-kale oo kamid ah Dadkii Xaflada kusugnaa.
Dadkii kusugnaa Goobta Xaflada arooska kasocotay ayaa mar qura ku kala dareeray iyagoo muruga dareemaya kana xumaa waxii halkaasi ka dhacay .
Dhawaan ayey aheed markii sidan oo kale Al-Shabaab weerar ugu qaadeen Goob Xaflad aroos kasocotay oo kutaala Deegaano hoos taga Degmada Ceel Buur taa ay ka dhasheen Dhimashada 2-qof iyo dhaawaca tiro kale.
madiina.net
xafiiska wararka muqdisho
madiina.net@hotmail.com