555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

kooxda chelsea oo dooneysa iney si deg deg ah u soo gabagabeeso saxiixa demba ba

Number of View :327

Tababare Rafa Benitez ayaa doonaya in Chelsea ay sida ugu dhaqasaha badan u soo xerogeliso weeraryahanka Newcastle Demba Ba. Sida aan ka soo xiganay The Sun.

Tababaraha ku meel gaarka ah Chelsea ayaa doonaya in heshiiska la soo gabagabeeyo isbuucaan, ka dib markii Chelsea ay ogolaatay inay bixiso heshiiska 7.5 milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Ba.

Weeraryahanka reer Senegal oo 27 jir ah ayaa wakiiladiisa waxa ay xalay kulan la qaateen madax ka socota Blues.

Benitez ayaa ka gaabsaday inuu wax ka yiraahdo heshiiska Demba Ba ka dib kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Everton.Demba-Ba-Reading

Waxa uu yiri: “Shaqadeyda waa inaan kooxda diyaariyo, agaasimayaasha kooxda ayaana i ogeysiin doona. Ba waxa uu u ciyaaraa koox kale, sidaasi darteed ma doonayo inaan ka hadlo.”

Ilaa shan xubnood oo qoyskiisa ka mid ah iyo wakiiladiisa ayaa wax ka doonaya lacagta uu Ba jeebka gashan doono ee 2.5 milyan ginni, lacagtaasoo ka go’i doonta 7.5ta milyan ginni ee heshiiskiisa lagu burburin karo.

Ilo ay soo xiganeyso The Sun ayaa yiri: “Chelsea waxa ay ku horeysaa saxiixa ciyaaryahan, laakiin inay qaabisho dhamaan dhinacyada kale ee heshiiska ku lugta leh ma ahan wax sahlan.”

Ba ayaa filan kara mushahar 80 ku ginni ah isbuucii isagoo laga yaabo inuu saxiixo heshiis seddex sanno iyo bar ah.

madiina.net

xafiiska ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>