Number of View :94
Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Rasaaseeyeen Gaari safar ah oo u soo socday Magaalada Muqdisho, waxaana gaariga saarnaa Dad Rayid ah oo isugu jira Rag iyo Dumar.
Sida ay wararka sheegayaan Gaariga la rasaaseeyay ayaa ka soo baxay Diinsoor, wuxuuna ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, iyadoo kooxaha hubeysan ay u galeen Nawaaxiga Degmadaasi, iyagoo Rasaas xoogan la dhacay Dadkii gaariga saarmaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kooxda Hubeysan ay ku labisnaayeen Dareeska ciidamada Dowlada Soomaaliya, waxaana ay isku dayayeen inay dhacaan baabuurka, balse ay ugu horeyn Rasaas ku fureen.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Rasaasta ay kooxda hubeysan ku furtay gaariga ay saarnaayeen Dadka Rayidka, balse waxay wararku sheegayaan inuu jiro dhaawac dad badan soo gaaray.
Kooxaha ku hubeysan Dharka Ciidamada Dowlada ayaa dhibaato badan u geysta shacabka Soomaaliyeed,w axayna saraakiisha ciidamda ay markasta sheegaan inay wax badan ka qabteen kooxaha ku labsian Dharka cidanka ee dhibaatada kula kaca shacabka.
madiina.net
xafiiska wararka
muqdisho
madiina.net@hotmail.com