555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday xarun shirkada GOLIS ay ku laheyd magaalada Boosaaso

Number of View :165

Wararka laga hellayo magaalada Boosaaso ee gobollka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan xalay weerar ku qaadeen xarun ay shirkada GOLIS ku laheyd magaalada oo sida la sheegay ay yaaleen matooro dab dhaliyayaal ah, kuwaasoo la sheegay in khasaare xoog leh gaareen.

Dad ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay ku soo bararugeen ama ku soo idho qaadeen dhawaq rasaas aad culus oo dhaceysa iyo waliba gantaalo loo adeegsanayay weerarka ay soo qaadeen kooxaha hubeysan.

‘’Kooxaha weerarka soo qaaday baasuukayaal iyo rasaas culus ayeey ku weerareen xarunta, iyaga oo khasaare xoog leh gaarsiiyay matooradii dab-ka siin jiray magaalada ayuu yiri qof goob jooge ah oo  ku sugan magaalada Boosaaso.

Weerarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay dhalliyara ka soo horjeeda maamulka Faroole dibadbax ka dhigeen degmadaas, kaasoo ay ku dalbanayeen in la doorto maamul aan ahayn midka hadda shaqeynaya oo ay ku tilmaameen mid si khasab ah awoodda ku haysta.

Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee gobollka Bari waxaa maalmihii ugu danbeeyayba ka jiray xiisado iyo waliba dhaq dhaqaaqyo looga soo horjeedo maamulka C/raxmaan Faroole oo ay hadda  ku furan yihiin xiisado siyaasadeed.

Maamulka Puntland ayaan iyaduna ka hadlin weerarkaas, iyadoo xaaladdu ay saakay mid deggen, waxayna shacabka Boosaaso ku tilmaameen weerarkii xalay mid aad u cuslaa oo argagax badan ku beeray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>