Number of View :161
Laacibkii hore ee qadka dhexe ugaga ciyaarayay Tottenham luka mudric oo jahwareersan garoonka santiago bernabue ayaa ka fiirsanaya inu ku soo laabto horyaalka england.
cod bixin uu qaaday wargeys ka soo baxa Spain waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu xumaa ee xilli ciyaareedkan ay la soo wareegto koox ka dhisan dalka Spain, waxana uu hal gool u dhaliyay tan iyo markii ay Real Madrid kula soo wareegtay lacag dhan £33million.
Sida ay daabacday Sunday Mirror kooxaha ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa digtooni u galay sidii ay u soo gaabin lahaayeen sii joogitaankiisa Modric ee caasimada Spain.
Manchester City, Chelsea iyo Manchester United ayaa dhamaantood si gaar ah u eegaya 27jirkan xaaladiisa iyadoo kooxda haysata Championka ay doonayso in uu u buuxiyo booska laga yaabo inuu baneeyo Frank Lampard.
Tababaraha City Roberto Mancini ayaa hore u sheegay sida uu ula dhacsan yahay Modric iyadoo ciyaaryahanka reer Croatia aysan suurtogal ahayn in uu bishan ka soo wareego kooxdiisa balse waxaa la filayaa in dhamaadka xilli ciyaareedkan in uu ka soo tago Bernabeu.
Ciyaaryahanka reer Croata ayaa waxa uu dhibaato ku qabaa sidii uu boos joogta ah uga heli lahaa Real Madrid iyadoo Xabi Alonso iyo Mesut Ozil ay ku qasbeen in uu qabowga fariisto.
Ciyaaryahnkii hore ee qadka dhexe ee Arsenal Alex Song oo u wareegay Barcelona iyo Modric ayaa codbixin uu ka ururiyay aqristayaashiisa wargeyska maalinlaha ah ee Marca waxa ay noqdeen ciyaaryahanadii ugu xumaa ee ku soo biira horyaalka Spain.
madiina.net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com