555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Maamul Usameynta Gobalada Jubbooyinka oo weli la isku fahmi la’yahay

Number of View :126

Waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa si aad iyo aad ah loogu sii kala aragti fogaanaayaa arinta ku saabsan maamul u sameeynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoona ay cirka isku sii shareertay arinta ku saabsan maamulkaasi.

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha ugu sareeysa maamulka KMG ee Kismaayo, Waxgarad iyo Xildhibaano kasoo jeeda gobaladaasi ay si aad iyo aad ah ugu kala fogaadeen hanaanka maamulka loogu sameeynaayo gobaladaasi.

Waxaa la sheegayaa in dowladda Soomaaliya markaan la doonaayo inay dhex dhexaadin xoog leh ka dhex sameeyso dhinacyada isku haysta maamul u sameeynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo, hase ahaatee lama oga sida ay wax noqon doonaan.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in Axmed Madoobe iyo rag kale oo aad aragti ahaan isugu dhawaa ay haatan sii kala fogaadeen, xilligaanna laga baqaayo in xaajada ay meeshii hore kasii darto.

Si kastaba ha ahaatee, maalinba maalinta ka dambeeysa waxaa cirka isku sii shareereysay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda ee kasoo jeeda gobalada Jubooyinka iyo Gedo, taas oo salka ku haysa maamul u sameeynta gobaladaasi.

madiina.net

xafiiska wararka muqdishoKismayo_map_keydmedia-620x330-300x15911

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>