Number of View :69
Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyay kulamo ay la qaateen Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Dowladda ee degmada Baydhabo Maxamed Macalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka gaashaandhigga inay kala hadli arimo badan oo ku saabsan xaaladda amaanka gobollka iyo sidoo kale howlgalkii Ciidanka dowladdu ka wadeen gobolkaasi sidii loosii dardar galin lahaa.
Wuxuu sheegay Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xogga dalka inay isku soo qaadeen howlgalkii ay Ciidamadda dowladdu ka wadeengobolka bay sidii loo dardargalin lahaa deegaanada ay iminka kaga suganyihiin Kooxda Al-shabaab ee kamid ah gobolka looga saari lahaa.
Gudoomiyaha ayaa xusay labada dhinac inay isku afgarteen in lasii wado howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada Bay iyo Bakool.
Waa Markii ugu horaysay ee wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo iskugu jira Wasiiro iyo Taliyaan Ciidan ay gaaraan Magaalada Baydhabo tan iyo markii sanadkii tagay dhamaadkiisii la magacaabay Xukuumadda Soomaaliya.
madiina.net@hotmail.com