Number of View :101
Dowladda Puntland ayaa go’aan ay soo saartay ku sheegtay siyaasiyiinta kasoo horjeeda xukuumadda madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole inaysan dalka ka dhoofi karin.
Wasiirka amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta ayaa u sheegay warbaahinta siyaasiyiin uu sheegay inay wataan baasbooro ajnabi ah dalka ka bixi karin, waxaana siyaasiyiintaasi uu ka xusay wasiirkii hore ee amniga Puntland Gen. C/laahi Saciid Samatar oo haatan ah gudoomiyaha golaha samata bixinta ee Puntland.
Wasiirka ayaa ku’eedeeyey Gen. Samatar iyo siyaasiyiin taageersan inay dhibaatooyin amaan xumo ay ka wadaan Puntland, isagoona sheegay horay inay kula taliyeen inuu ka waantoobo.
“Dhibaato haday horseedaan waxaan u sheegaynaa inay dhibaatada ku jirayaan oo aysan bixin karin” ayuu yiri wasiirka amniga Khaliif Ciise.
Gen. C/laahi Saciid Samatar oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankiisa beeniyay inuu ka qaybqaadanayo falal amaan darro, waxaana uu xusay inuu weligiis ka shaqayn jiray amaanka Puntland.
“Aniga waxaan ahay nin wayn oo waayo arag weligayna amaanka kusoo dhexjiray igama suurowdo inaan fowdo abuuro iyo waxa ay leeyihiin dowladdii hore ee Faroole” ayuu yiri Gen. C/laahi Saciid Samatar.
Sikasto oo ay ahaataba dowladda Puntland iyo kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga ay samaysatay ayaan wali isafagarad buuxa ka gaarin khailaafka taagan, dowladda ayaa ku doodaysa inay dalka u horseeday nidaam xisbiyo oo dadku ka qaybgalaan.
madiina.net@hotmail.com