555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Maamulka Gobolka Banaadir oo Ballan Qaaday inuu Shaqo Abuur u Sameynayo Farsamayaqanada ku Sugan magaalada Muqdisho.

Number of View :184

Guddoomiyaha maamulka gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo  war baahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay qorshayaal uu maamulkiisu u diyaariyay dadka Shaqo la’aanta ay ku hayso Magaalada Muqdisho.

 

Tarzan ayaa shjeegay iyadoo laga duulayo siyaasadda dawladda ee ku aadan Shaqo u abuuridda Bulshada Soomaaliyeed  in Maamulka Gobolka banaadir xiligan uu diyaariyay Mashaariic Shaqo loogu abuurayo qaybaha kala duwan ee farsama Yaqaanada Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan isla markaana ay la kulmayaan Dadka Biraha Tuma, kuwa geedaha Qora , Kabaha Tola ama Dharka sameeya kuwaas oo uu sheegay in ay abaabulayaan isla markaana ay u fududeynayaan Xirfadaha ay yaqaanaan.

 

Maxamuud tarzan ayaa sheegay in mashruucan oo Tijaaba ah uu hor u dhac yhay sidii maamulka Gobolka Banaadir uu dib ugu soo nooleyn lahaa Xirfadahaas oo uu sheegay in ay wax weyn ka qabanayso Xaaladda Shaqo la’aaneed ee iminka ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiayaha Gobolka banaadir  ayaa hoosta ka Xarriiqay in arrintan Fursad ballaaran ay u tahay dadka Farsama yaqaanada ah oo muddooyinkii u danbeeyay Xaalad Dhaqaale xumo ay ku haysatay gudaha Magaalada Muqdisho isagoona ugu baaqay Dadka aqoontaas u saaxiibka ah in ay iska soo xaadiriyaan Xarunta maamulka Gobolka Banaadir maalmaha soo socda.

 

Bur burkii Xukuumaddii Kacaanka ka Hor ayaa Magaalada Muqdisho iyo Goobo kaleba waxaa ka jiray Iskaashatooyin kuwaas oo Xirfadooda ku shaqaysan jiray Dawladduna ay ka caawin jirtay dhinaca Suuq gaynta  iyo mararka qaar dhinaca Qalabaynta.

 

Si kasta ha ahaatee haddii arrintan ay hir gasho ayaa waxaa lagu wadaa in ay shqooyin kala duwan ay ka helaan  dad aad u fara badan oo manta aan lahayn awood ay farsamadooda ku soo ban dhigaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>