Number of View :92
Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay mashruuc dib u dhis loogu sameynayo Taalooyinka Taariikhiga ah ee Dalkeenna.
Mashruucaan dib u dhiska taalooyinka taariikhiga ah ayaa waxa uu ka bilowday degmooyinka Gobolka Banaadir ayadoo hadana magaalada Muqdisho uu ka soconayo dib u dhiska taalooyinkaasi oo lagu sameynayo taalooyin dhowr ah.
Taalooyinka dib u dhiska uu ka socdo waxaa ka mid ah daljirka Daahsoon iyo taaladii Dhagaxtuur ayadoo goobtaasi aad ku keyso inuu ka soconayo dib u dhis xoogan.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in mashaariicdan dib u dhiska ah ay gacan ka siineyso maamulka gobolka Banaadir hay’adda hormarinta dalka Turkiga ee TIKA.
Dhinaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya dib u dhis lagu sameynayo wadooyinkii bur bursanaa ayadoo dib u dhiska wadooyinkana ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda TIKA.
Dib u dhiskan xoogan ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah dib u dhis guud oo xiligan Caasimadda ka socda waxaana dib u dhiskan uu qeyb ka yahay qorshe dib loogu soo celinayo bilicda Caasimadda.
madiina.net@hotmail.com