Number of View :117
Afahayenka maamulka gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa waxa ka warbixiyay Qorsho ay maamulkaasi ku doonayaan dhisidda wadada Wadnaha iyo tan 30ka.
Maxamed Yuusuf Cusmaan Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhawaan ay rajeynayaan in ay bilaabaan dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho gaar ahaan dhisida wadooyinka Muqdisho.
Wuxuu xusay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir in maalintii shalay ahayd guddoomiyaasha 17-ka ay ku kulmeen Muqdisho iyagoo ka arinsanayay qaabka ugu haboon ee dayactir loogu sameyn karo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho,asagoona intaa hadalkiisa sii daba dhigay in wadada 30-kana ay dhismo ka fulin doonaan oo ay ku xiri doonaan Tabeloyinka Layr Solarka ku shaqeya ee ku xiran Wadad Maka Al Mukarama.
Dhanka kale Afahayenka maamulka gobalka Banaadir ayaa waxuu ka hadlay dhismaha sharci daradda ah ee ka dhisan hareeraha Suuqa dagmada X/weyne waxuuna sheegay in ay bur burin donan dhismahaasi.
Magaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ka soconaya Dhismooyin iyo dayactir loo malaynayo in ay dib u soo celinayaan Bilicdii ay Bari lahayd Muqdisho.
madiina.net
xafiiska wararka
muqdisho – somalia
madiina.net@hotmail.com