555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Maamulka gobollka Shabeellaha dhexe oo baaq u jeediyay hay’addaha samafalka

Number of View :129

Guddoomiyaha maamulka gobolka banaadir oo Maanta ka qayb galay Munaasibad xarigga looga jarayay dib u dayac tir lagu sameeyay Xarunta maamulka Degmada xamar weeyne ayaa halkaa ka jeediyay Khudbado meelo kala duwan taabanayay.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horeynba u mahad celiyay Dad weynaha Reer xamar Weeyne isagoona ugu hanbalyeeyay shaqada ay ka qabteen Xaruntii Degmadaas oo dib u habayn lagu sameeyay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay Nadaafadda iyo sidii dib loogu soo celin lahaa  Nadaafaddii Degmadaas isagoona  dhinaca kalena digniin u diray Ganacsatadii dhawaanta laga jabiyay dariiqyada degmada Xamar Weeyne.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in dal walba Muraayaddiisu ay tahay Waddooyinka sidaa darteedna ay wadaan qorshe ay Nalal Solarka ku shaqeeya oo ay ku xirayaan Waddooyin hor leh.

Waddooyinka uu sida gaarka ah u xusay Guddoomiayaha ayaa waxaa ka mid ah Wadada Umadda iyo tan Ciidamada qalbka sida ama Soddonka.

Tarzan ayaa ugu baaqay ganacsatada weli isku dayaya in ay ku soo laabtaan meelihii hore looga jabshay isagoona  ku hanjabay in dhismihii Sharci darro ah oo ay ku arkaan meelihii hore looga jabiyay in ay la wareegi doonaan isla markaana ganacsadihii ay qabtaan ay Xiri doonaan.

Waxaa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Xamar Weeyne  Cabdullaahi Sahal Gar dhuub kaasoo ka war bixiyay hawlihii dib loogu dayac  tirayay Degmadaas.

Si kasta ha ahaateee Maamulka Gobolka banaadir ayaa muddooyinkii danbe waxa ay wadeen  hawlo wax looga qabanayo bilicda Magaalada Muqdisho iyo  nadaafadeedaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>