Number of View :167
Saraakiisha ciidamada maamul gobolleedka Puntland ee dagaalka kula jira xoogag taageersan Al-shabaab ayaa sheegay in ay qabteen rag ka tirsan kooxda Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay buuraha Galgala.
waxaa ay sheegeen saraakiisha maamulka Puntland in ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaannadii ay dagaallada ka dhaceen, islamarkaana ay qabteen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada Puntland ee buuralayda Galgala Jaamac Siciid Warsame (Afguduud) ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii socon doonaan dagaaladaan inta gabi ahaanba Al-Shabaab aga saarayo deegaanadaasi.
Maamulka Puntland ayaa hadda wajahaya dagaallo culus oo uga imanaya kooxo xiriir la leh ururka Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya qeybo badan oo ka mid deegaannada maamul gobolleedka Puntland.
waxaa uu sheegay Afguduud in dagaallka dhacay uu ahaa mid ay qaadeen ciidamada maamulka Puntland oo weeraray fariisimo ay lahaayeen Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in ay bur buriyeen saldhigyadoodii.
ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay Buuralayda Galgala, marka laga soo tago hadalka soo yeeray maamulka Puntland.
madiina.net@hotmail.com