Number of View :42
Wasiirka gaashaandhiga maamulka Somaliland axmed xaaji cadami ayaa waxa uu shaaciyay in aysan kalaba labeyneyn ladagaalanka Al-shabaab oo uu ku sheegay mid waajib ah.
Wasiirka ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay kala dagaalayaan Shabaab in ay ku dhuumaaleestaan buuraha Golis ee gobalka Bari halkaas oo Shabaabku ay u arkaan mid muhiim ah sii jiritaankooda.
“Inagu ka Somaliland ahaan doonimeyno in Shabaab ay sii bulaalaan waxa aana gacan ka geysaneynyaa qaabkii lagu shiiqin lahaa”, sidaa waxaa ku waramay Axmed Xaaji Cadani.
Somaliland laguma aqoon in ay wax kayiraahdaan arinta Shabaab, waxaana lafilayaa arintaani in ay dhaliso in Shabaab iyaguna ay goodin layaab leh ay u jeediyaan maadaama Shabaabkuba aysan Somaliland ku dari jirin goobaha ay bartilmaameedka ka dhiganayeen.
madiina.net
xafiiska wararka muqdisho
madiina.net@hotmail.com