Number of View :71
Iker Casillas waa sharafta Real Madrid sidaasi waxaa qaba tababaraha xulka Spain ahna tababarihii hore ee Los Blancos Vicente del Bosque.
Kabtanka oo 143 kulan u saftay xulka Spain ayaa si muran uu ku jiro waxaa lne-upka kooxaha kaga saaray Jose Mourinho kulankii ay dhawaan u safreen Malaga, isagoo bedelkiisa soo safay Antonio Adan.
Kooxda horyaalka Spain ayaana looga badiyay 3-2, laakiin 61 jirkaan tababaraha xulka Spain ayaa ku taageeray in kabtankiisa uu taas ka soo kabsan doono.
“Iker waxa uu tagay Real Madrid isagoo 10 jir ah” ayuu yiri del Bosque sida ay qortay jariirada Marca.
“Waalidkiisa ayaa u qalma amaan badan, madaama ay mar kasta keeni jirin xarunta tababarka, uma maleynayo inay lacag ka sameysnaayeen.
“Iker waa sharafta Real Madrid. Waa ninka kaliya ee ka soo baxay kooxda da’ yarta, waa wax fiican in lagu aqoonsado wixii uu soo qabtay, wax badan ayuuna soo qabtay.
“Waxa uu dusha saartaa qiimaha ay leedahay Real Madrid.”
madiina .net
xafiiska ciyaaraha muqdisho
madiina.net@hotmail.com