Number of View :105
Waxaa Maanta gaaray magaalada Brussels ee dalka Biljim Wafdi balaaran oo horkacayay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirada arimaha dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.
Madaxweynaha oo xalay habeenimadii ka kicitimay gagida diyaaradaha Bolle International ee magaalada Adis ababa ee wadanka Itoobiya kadib markii uu soo idlaaday shirkii ay halkaas ku lahaayeen madaxda wadamada qaarada afrika oo uu madaxweynuhu ka jeediyey qudbad dheer oo uu kaga warbixinayey marxalada cusub ee uu galay dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Brussals kulamo ku saabsan xaalada Soomaaliya la qaadan doona madaxda ugu sareysa ururka Midowga Yurub oo uu kala hadli doono sidii ay u raacilahaayeen dhabbihii Maraykanka ee ahaa aqoonsiga dowlada Soomaaliya iyo kordhinta taageerada ay reer yurub siiyaan dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii danbe ku hawlanaa safaro isdaba joog ah oo uu ku tagayey wadamada caalamka kuwaas oo ahmiyadooda ugu weyn ay tahay in aqoonsi rasmi ah lasiiyo dowlada uu hogaamiyo iyo sidii ay beesha caalamku u garab istaagi lahayd dowlada cusub ee Soomaaliya oo 20 sano kadib dalka laga yagleelay.
madiina.net@hotmail.com