555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo Faah faahin ka bixiyay Safarkiisa Magaalada London

Number of View :145

Kadib markii shaley madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayay ay gaareen magaalada landan ee xurunta Dalka Ingiriiska ayaa waxaa markii ugu horeysay socodaalka uu halkaasi ku jooga ka hadley Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu u jooga dalka Ingiriiska ay tahay kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka haley Madaxda sar sare ee Dalka Ingiriiska islamarkaana sida uu sheegay dhowaan ay ka wada hadlayaan xaalada dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu tilmaamay madaxweynaha Soomaaliya in Safaradan uu ku marayo qaar ka mid ah wadamada calaamka ay tahay sidii loo hor marin lahaa dalka Soomaaliya islamarkaana dib u dhis balaaran loogu sameyn lahaa dalka Soomaaliya oo dagaalo sokeeye ka dhacay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ugu baaqey Soomaaliya ku dhaqan Dalka Ingiriiska iney ka fakaraan dalkooda Soomaaliya islamarkaana Shaqooyinka ay ka hayaan dalka hada ay joogaan ay u wareejiyaan Dalka Soomaaliya oo sheegay in hada uu u baahan yahay.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu carabka ku dhiftey in mudo dhowr maalin ah uu joogayo Dalka Ingiriiska islamarkaana uu la kulmi doono Madaxda sar sar ee dalka Ingiriiska Gaar ahaana Ray;iisul wasaaraha Dalka Ingiriiska iyo Madax kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>