Number of View :98
Inkastoo wali Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku marayo qaar ka mid ah Magaalooyinka Yurub ayaa waxaa xaley xaflad balaaran oo soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Landan ee xarunta Dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo ay wehelinayeen Wasiirada Arimaha Dibada ee Soomaaliya Fowziyo Xaaji Aadan iyo Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ay kala kulmeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska Soo dhaweyn balaaran oo ku aadan imaanshahooda.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa gaba gabadii munaasanada waxaa uu meesha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoona Jaliyada Soomaaliyeed ee Ingiiriska fafaahin ka siiyey xaalada Amaanka dalka Soomaaliya iyo wax yaabaha Dowlada Soomaqaliya qorshaha uga jiro iney wax ka qabato.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu marka hore sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka Dibadisa loogu baahan yahay iney dib uga soo laabtaan dalka Soomaaliya,islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa wadanka Soomaaliya oo bur bur badan Soo maray.
Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu ku qanciyey Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka Ingiriiska in amaanka dalka Soomaaliya si aad ah loogu shaqeeyay islamarkaana ciidamada Dowalada Soomaaliya habeen iyo maalin ay u taagan yihiin iney xaqiijiyaan amaanka Gobalada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa u sheegay inuu aqbaley wixii dar daaran ahaa uu ay usoo jeediyeen ka qeyb galayaashii munaasabada ee goobta ka hadley,waxaa kaloo Xasan Sheekh lagu wadaa inuu kulamo la qato Madaxda dalka Ingiriiska.

madiina.net@hotmail.com