555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Madaxweynaha Somaali Land oo Maanta Markii u Horeeyay ka Hadlay Dhawaaqii ka soo Yeeray Dawladda Ingiriiska.

Number of View :217

Madaxwynaha maamulka la magac  baxay Somali Land ayaa waxa uu Khudbad u jeediyay Maanta Golaha Guurtida ee maamulkiisa.

Axmed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynaha Maamulka Somali Land ayaa ugu horeynba ka hadlay aqoonsiga xukuumaddiisa iyo baadi goobka ay ugu jiraan isagoona sheegay Boqol sanaba ha gaadhee inaan marnaba laga noqon doonin  Gooni Isku taaggii Soomaali Land.

Siilaanyo Madaxweynaha Somali Land ayaa soo hadal qaaday shirkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somali land ee sanadkii hore soo bilowdey isagoona hoosta ka xarriiqay in maadaama shirkaas Oggolaansho qaran uu ku yimid ay Somali Lanad sii wadi doonto ka qayb galka Shirkaas.

Madaxweynaha Somali Land ayaa soo hadal qaaday aqoonsigii dhawaan maraykanku uu aqoonsaday wuxuuna sheegay in Maraykanku weligiisaba aqoonsanaa Dawladda Soomaaliya aqoonsigana uu yahay oo keliya mid uu ku aqoonsaday maamulka Cusub.

Axmed Siilaanyo ayaa shirka ka hor akhriyay Waraaq uu sheegay inuu ka helay dawladda Maraykanka isagoona sheegay in arrimaha Somaliya iyo Somali land ay tahay mid u taala labada dhinac.

Ugu danbayntii ayuu Madaxweynaha Somali Land  soo hadal qaaday hadalkii dhawaan ka soo yeeray Dawladda Ingiriiska oo ahaa in Somali Land ay ka jirto Xaalad Khatar Nabad gelyo darro ah.

Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in Somali land iyo Ingiriisku uu ka dhaxeeyay Xiriir wanaagsan ee soo jiraanimo isagoona hoosta ka xarriiqay inuusan garanayn xiligan waxa Ingiriiska ku xanbaaray in hadaladaas ay ka soo yeeraan.

Madaxweynaha Somali Land ayaa ugu yeeray Shacabka Somali land in ay isku duubnaadaan isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii Beesha caalamku u aqoonsan lahayd Gooni isu Taagooda oo uu ku sheegay inuu yahay mid Muqadas ah.

Khudbaddaas Madaxweynaha kaddib ayaa boqolaal dad ah waxa ay socod ku mareen waddooyinka waa weyn ee Magaalada hargaysa kuwaasoo taageerayay hadaladii ka soo yeeray Axmed maxamed Siilaanyo oo markii u horeeyay manta ka hadlay hadalkii ka soo yeeray Dawladda Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>