Number of View :34
Iyadoo uu shalay gaaray Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud Dalka Sudan ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay kulan yeeshaan Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynaha Sudan Cumar Xassan Al-bashiir.
Labada madaxweyne ayaa waxay kawada hadli doonaan xaalada Soomaaliya iyo waliba xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya sidii loo sii xoojin lahaa maadaama Soomaaliya ay yeelatay dowlad rasmi ah.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale inta uu joogo suudaan wuxuu kulamo la qaadan doonaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi Suudaan oo u badan arday halkaasi wax ka barata.
Madaxweyne xasan ayaa shalay gaaray wadankaasi Suudaan wuxuuna ka qayb galay muskii loo sameeyay markii madaxwnkaasi uu xuriyada ka qaatay Gumaystaha wadanka Ingriiska.
Madaxwayne Xassan Sheekh ayaa waxaa wafdigiisa wehelinaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka arimaha gudaha iyo Maaliayda, waxaana lagu wadaa maanta inay kulan la qaatan dhigooda dalkaasi,
Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena danbe
madiina.net@hotmail.com