555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Madaxweyne Xassan oo Shiikh oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Suudaan

Number of View :114

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo maalintii sadaxaad booqasho ku jooga magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa halka kulan kula qaatay ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaasi Suudaan.

Madaxweynaha oo hadal dheer u jeediyay jaaliyada Soomaalida ee ardeyda u badan ee  ku nool dalkaas, ayaa ugu horeyn faah faahin ka siiyay xaalada siyaasada iyo nabad-galyo ee dalka Soomaaliya.

‘’Waxaan idinka digayaa in aad naftiina ku biimeysaan, dhulka saxaraha ah oo ah mid halis badan, waayo waxaa laga yabaa in kuwa badan oo idinka mid ah arintaa ku fakarayaan si ay ugu sii gudbaan wadamada Yurub, ayuu yiri,..’’ madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.

Dhinaca kale madaxweynaha dowladda iyo Soomaliya iyo wafdigiisa ayaa xalay aqalka madaxtooyada dalka Suudan casho sharaf kula qaatay dhigiisa dalka Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir.

Waxaa ay ka wada hadlleen labada madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud iyo Cumar Xassan Al-Bashiir xoojinta xiriirka labada dal, iyo waliba sidii ay ay labada dowladood iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>