555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Madaxweyne Xassan Sheekh : xiriirka caalamka iyo Soomaaliya waa mid intii hore ka soo hagaagaya

Number of View :194

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho maalintii shalay, ayaa ka warbixiyay safaro uu ku soo kala bixiyay dalalka kala duwan oo ka tirsan qaarada Africa iyo Yurub.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in uu safarkiisa ka bilaabay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu uga qeyb-galay shirkii midowgga Africa, kadibna uga sii gudbay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ee xarunta midowgga Yurub, halkaasoo uu kulamo kula qaatay nas’uuliyiinta ka tirsan ururka midowgga Yurub, intaa kadibna waxaa uu sheegay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud in uu tagay magaalada London ee dalka Britain oo ay isku soo arkeen ra’iisal wasaare David Cameron, isaga oo ugu danbeytii magaalada Qaahira kaga qeyb-galay shirka ururka Islaamka OIC.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Xassan Sheekh in safarada isaga iyo wafdigiisa ay kula bixinayaan caalamka uu yahay mid salka ku haya soo celinta dibulmaasiyadii ama xiriirkii siyaasadeed ee Soomaaliya la laheyd caalamka intiisa kale.

‘’Hadda diblumaasiyadii iyo xiriirkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale waa mid intii hore ka soo hagaagaya, wali shaqo badan ayaa dhiman, laakiin rajadu waa ay sareysaa,’’ ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

Inkastoo madaxweyne Xassan uu sheegay safaradan yihiin lagu hagaajinayo xiriirka caalamka iyo Soomaaliya ayaa haddana dadka ka soo horjeeda siyaasada dowladda ayaa sheegay madaxweyne Xassan Sheekh uu isku kooban awooda hay’addaha dowladda iyo safarada dibada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>